Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Beledweyne oo Xalay Amnaankeeda ay Sugayeen Ciidamada Maxkamadaha
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:318
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 29 2008
Beledweyne oo Xalay Amnaankeeda ay Sugayeen Ciidamada Maxkamadaha
Written by Ali Moallim   
Sunday, 29 June 2008

Beledweyne, (insidesomalia.org)- Magaalada Beledweyne ayaa saaka ku waabariisatay xilli habeenimadii xalay Ammaankeeda ay sugayeen Xoogagga ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo maalintii shalay ahayd si Nabad-galyo ah u soo galay kadib markii ay isaga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku lahaa duleedka Magaalada.

Xoogagga Maxkamadaha oo wata gadiidka dagaalka qaarkoodna lugeynaya ayaa inta badan xalay gaaf wareegayay xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay bal si markaa ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa dhinaca nabad-galyada, waxaana mar kaliya saacadu markey aheyd 10: AM fiidnimo laga maqlay mid ka mid ah Xaafadaha rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Maxkamadaha iyo koox la sheegay in ay ka tirsanayeen Ciidamadii Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed waxaana ay halkaa ku qaateen Xoogagga Maxkamadaha gaari Cabdi Bille oo uu saarnaa qoriga Dhashiikaha.

Inkastoo dadku si weyn uga baqdin qabeen xalay rasaasta dhaceysa ayaa hadana waxaa muuqaneysa in ay soo dhaweynayaan howl-galka ay sameeyeen Xoogagga Maxkamadaha oo marka aad u fiirsato dhaq dhaqaaqooda la oran karo waa mid ka duwan hab dhaqankoodii Sanad ka hor markii ay maamulayeen Gobalada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Haweenka iibiya Khaadka oo shalay markii ay soo galeen Ciidamada Maxkamadaha magaalada Beledweyne niyada ku hayay in markiiba la mamnuucayo ganacsiga Khaadka ayaa siweyn ugu farxay in aan laba soo hadal qaadin arimahaa iyaga ah, waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Maxkamadaha haddii aysan qaadin sida ay hadalka u dhigeen tallaabooyin la mid ah kuwii Sanad ka hor ay qaadeen.

Dhinaca kale walaac kaa la mid ah waxaa qaba dhaliyaro badan oo marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in ay soo dhaweynayaan sida Xoogagga Maxkamaduhu durbaba amaanka wax uga qabanayaan, hase ahaatee waxaa ay lee yihiin wal walka ugu weyn ee nala soo darsay waxaa uu yahay sida caawa Ciidamada Maxkamaduhu ka yeeli doonaan goobaha Shaleemooyinka ah maadaama ay jirto Caawa Cayaar Final ah oo dhaxmari doonta Kooxaha Germany iyu Spain kana tirsan Koobka Qaarada Yurub.

Dhinaca kale waxaa xalay u dhaqaaqay dhinaca Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay saldhiga ay ku la haayeen deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan kadib markii ay maqleen warka ku saabsan in weeraro lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ee shalay gaaray Degamada Gure-ceel.

Waxaana ay noqonayaan Ciidamadii xalay isaga baxay deegaanka Kala-beyr kuwii ugu danbeeyay ee ka huleela guud ahaanba gobalka mar haddii Ciidamadii Itoobiya ee joogay duleedka Beledweyne habeen hore isaga baxeen.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >